
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal uuku tagay dalka Imaraadka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana ka shaqeyn doona la socoda xaaladaha abaaraha Soomaaliya iyo sidii loo caawin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen, waxaana xilkan cusub ee loo magacaabay yahay mid ku cusub dowladda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Madaxweynaha Somaliya mudane Xassan Shiekh ayaa xil mihiin ah u magacaabay Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur.
Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow u magacaabay guddoomiyaha xisibiga Wadajir sidoo kale kamid ahaa musharaxiinta Madaxweynaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Xasan Sheekh ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in uu noqdo ergayga gaarka ah ee dowladda Soomaaliya u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo Bini aadannima.

Madaxweynaha cusub ee dowlada imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayid ayaa Somaliya ugu deeqay 35 milyan oo dirham oo u dhiganta &9.6 milyan dollar. Sawirka Hiiraan.com/news
Somaliya oo loogu deeqay 9.6 milyan dollar.
Wakaalada Imaaraadka Carabta wararka u faafisa ee WAM ayaa qortay in Madaxweynaha Imaaraadka Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu amray in lacagtaas lagu wareejiyo Soomaaliya.
Imaaraadka ayaa lacagtan ugu talo galay in wax looga qabto abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Soomaaliya
Lacagtan ayaa aheyd tii laga xanibay dowlada Imaaraadka Carabta sanado ka hor taasoo maanta laga saaray bankiga dhexe laguna wareejiyey safiirka Imaaraadka Carabta inkastoo hadda loogu deeqay Somalia.
Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka, Sheikh Khaliifa Bin Zayid Al-Nahyaan, isagoo sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.
Waxaa ugu dambeyntii la soo gabgabeeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo muddo hal sano ka badan dib loo dhigay, waxaana ku guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud. Haddaba waa kuma ninkan horay u ahaa madaxweyne.
Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xilka Madaxweynaha Soomaaliya soo dhammaystay hal muddo xileed, wuxuuna hadda ku laabanayaa xafiiska Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya oo uu kas oo arriminayay intii u dhaxaysay 2012-kii ilaa 2017-kii. Wuxuu noqonaa madaxweynihii ugu horreyay oo mar intuu muddo xileed dhameystay dib loo doortay.Waa kuma Xasan Sheekh Maxamuud? - Aqriso taariikh nololeedka madaxweynaha
Ku dhashay 1955 degmada Jalalaqsi ee bartamaha gobolka Hiiraan. Haldoor u dhaqdhaqaaqa dhab u heshiisiinta, bulshada rayidka iyo u ololeeye waxbarashada iyo barbaarinta ubadka ayuu ahaa muddo dheer. Kaddib bud- dhige iyo maamulaha Mac'hadka SIMAD oo markii dambe Jaamacad isu badelay ayuu noqday. 2012 ayaa loo doortay Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 2013 ayaa Jariiradda TIME u aqoonsan tahay boqolka qof ee dunida ugu saameynta badan ee raadka reebtay.
Taariikh nololeedka Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheikh Maxamuud waa hoggaamiye iyo Madaxweynihii siddeedaad (8) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012-2017. Burburkii 1991 ee kaddib Madaxweynihii kowaad ee loo doorto in uu hoggaamiyo Xukuumad aan kumeel gaar ahayn ayuu noqday.
Kiiska Badda
Waxyaabaha ugu waaweyn ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa lagu xasuusto waxaa ka mid ah in ay dacwadda muranka badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).
Diyaar garow kaddib, 13-kii bishii July ayay dowladda Soomaaliya si rasmi ah dacwaddaas u gudbisay Maxkamadda ICJ, halka Kenya laga sugayay inay dhankeeda ka jawaabto.
Sannado kaddib, 12-kii bishii October ee sanadkii 2021-kii ayay garsooreyaasha Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ee waddanka Netherlands ku dhawaaqday go'aanka kiiska oo ay guusha ku raacday dhinaca Soomaaliya.
Hase yeeshee xilligaas waxaa Soomaaliya ka jirtay dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo halkeeda kasii wadday dadaalka loogu doodayay xadka badda ee ay isku haysteen labada dowladood ee deriska ah.

Madaxweynaha Somaliya 2022-2026
Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 2012kii Fursad u helay hoggaaminta Dalka sidaasna ku noqday Madaxweynaha 8aad ayaa markii labaad ku guuleystay in uu noqdo hoggaamiyaha 2022-2026 ee Madaxweynaha 10aad JFS.
Ra'iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa Doorashada Madaxweynaha 10aad ayaa "u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo eebbe ugu baryay in uu la garab-galo mas'uuliyadda saaran".
Waxbarasho
Xasan Sheikh Maxamuud, shahaadadii koowad 1981 ayuu ka qaatay Jaamacadda Ummadda ka asagoo ku takhakhusay Culuumta Farsamada Gacanta. Shahaadada labaad ee Maamulka iyo Maareynta Farsamada Gacanta 1988 Jaamacadda Barkatullah ee horey loo yaqiinay Jaamacadda Bhopal. 2015 ayaa Barkatullah guddoonsiisay darajada ugu dambeysa (Doctor of Literature) ayada loo aqoonsaday dadaalkiisii dheeraa ee waxbarashada ubadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Maxamuud, Jaamacadda Eastern Mennonite Mac'hadkeeda Nabadda ee Virginia ayuu ka qallin jabiyey arrimaha dhexdhexaadinta, tiiraanyo-bixinta iyo dhismaha xaruumaha nabadda iyo waxbarashada.
Qoraalka Bulshada
Somalida waxa ay ku heshiisay iney is doortaan afartii sannaba iskuna doortaan Deegan iyo qabiil si ku meel ah ilaa iyo inta laga helaayo hanan dimoqradiyad ah.
waxaa si sharaf badan xilka isagu warejiyey madax fara badan kadib markii ay Somaliya ka baxday ku meelgaar.
1 Madaxweyne Shiekh Shariif Shiekh Axmed oo aan aad ula dhacnay dowlad wanaagiisii iyo sida uu isaga saari jiray masuul in ay soomaliya ka xorowdo gumeystaha Al-shabab isagaa Somalia ka saaray kumeel gaarnimadii una jeheeyey wadadii ay ku noqotay Dowlad adunka la jaanqaado oo ay sameysatay saaxiibo ama cilaaqaat siyasi iyo mid amniba. wadankii ugu horeyey ee uso gurmadayna uu ahaay Turkiga. wuxuuna si sharaf badan ugu warejiyey markii laga cod badiyey Xasan Shiekh Maxamuud. Shiekh Shariif Shiekh Ahmed waa Madaxweynihii hirgaliyey iney xulashada ka dhacdo Moqdisho caasimada dalka Somaliya iyadoo markii hore loo aadi jirey wadamo kale iyo hab xulasho kale oo shisheeye. Wuxuuna bilaabay dib u dhisidii maamul gobaleedyadii. Waxaa kale uu markaas isagoon heysanin ciidamo la eg kuwa maanta joogo uu ka saaray magalada moqdisho al-shabaab oo markaas heystay geeyeyna alaa xuduudaha Somalida.
Iyadoo aan Somalida marna hilmaami doonin meeshii uu Shiekh Sharif Shiekh Axmed Shiekh Muse Cigale ka soo bilaabay iyo meeshuu keenayba Allah cisi iyo sharaf badan ha siiyee.
2. Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud wuxuu isaga ka sii waday meeshii uu Shiekha uga tagay isagoo isku raadiyey maamul gobeleedyadii dhisideedii waa sidii ewelba lagu heshiiyaye isagoona adun weynaha cilaqaadkii aan la leheen soo celiyey, Ganacsatadiina ugu baaqay iney wadankooda maalgashtaan si uu wadanka u hor maro iyadoo aan marnaba la hilmaameyn maamulgoboleedyadii sida ay u burbursanaayeen. Xasan Shiekh Maxamuud wuxuu isku soo xiray maamul goboleedyadii habeeyeyna iskana doonay odayaal dhaqameed si loo hir galiyo waana mid aan la hilmaami doonin wanaagiisa iyo sidii xushmada iyo Somalinimada leheyd ee uu u warejiyey xilka markii laga codbadiyey golaha shacabka.
3 Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed ,Formacio, wuxuu isagana la wareegay wadan markaas la jaanqaaday aduunka iyo ciidamo markaas ku maqnaay tababar isagoo codka ku helay inuu wax ka qabanaayey nabadgalyada wadanka helayna ciidan taba baran iyo daqli farabadan. waxa isla markiiba uu burburiyey maamul goboleedyadii H/shabelle iyo Gal/mudug iyo K/galbeed oo meeshaas lagu laayey dad aan waxba galabsan uuna isaga u soo magacaabay sadax madax weyne.
waxaa lala soo waregay Kontrolkii hawada Somaliya oo uu ewalba Xasan Shiesh Maxamuud codsiga u diray. waxaa kaloo ay Soomaaliya heshay bada ay iyada xaqa u leheed oon weli aan eheen sidii la rabay.
Madaxweyne formacio waqtigii ayaa ka dhamaaday isaga iyo baarlamaankii uu isaga markaas gacanta ku dhigay lkin nasiib wanaag wuxuu afkiisa ku dhahay ama laga codsay in uu doorashada dalka ku wareejiyo Reysulwasaare Mohamed Husien Roble isaga oo ilaa iyo hada ay kadaba raaracaan Formajio oo xiligiisii dhamaday iyo Fahad Yasiin.
waxaa is weydiin leh marka maxaa loo dilay labo haween ah oo labaduba ahaayeen dad cilmi iyo sharaf leh yaase dilay.
Farmacio wuxuu aad u iloway in loo tanaasulay oo ay waajib ku tahay inuu isagana tanaasulo si wadanka uu u noqdo wadan leh dowlad quwadleh oo la jaanqaada xaga ganacsiga iyo dhaqaalaha.
waxaan ognahay iney jiraan macluul , biyo la,aan iyo xoolihii oo dadka ka baa,ba,ay si ayna dadka gaajo ugu le,an waa inaan helnaa dowlad xoogleh koley formaajo hadalkiisa iyo ficilkiisa waa laba aan meel isla marin.
qoraalaka waa aqonyahan Somaliyeed

waxaa jiro xildhibaan cusub ama xildhibaano lagu tuhunsanyahay al-shabab magac masoo gudbin karo lkin waa sida aan ka arkay vidio.
Yaanla ilooboin Somalida waa wada ilmo adeer iyo ina abti oo sina kuma kala maarmaan lkin waa in laga ilbaxo kaliig taliye
Waxaa haboonaa leheed in lagu dhaqmo dastuurka wadanka u yaalo lagana ilbaxo diktatoornimo iyo kaliistalisnimo.
Hadii kale maa lagu kala tago oo xildhibaan walbo aado gobolka uu kasoo jeedo,

Qoraalka Bulshada
iska horkenka Digil iyo Mirifle iyo Hawiye
Somalinimada la sheego waa Moqdisho.
Calanka la sheego Moqdisho buu ka taagan yahay.
Canshuurta la sheego Moqdisho uun baa laga qaadaa.
Dowladnimada Somaliya kuwii u dhintay iyo kuwii dhaliyey waa reer Moqdisho.
Wax badan baan meyto dusha kusoo sidna,xiligii aynu dhigi leheen baa la gaaray.
Ninkii geedo uu gubay kunoolaan lahaa iyo ninkii qamadiga qaramada midoobay feel u geli lahaaba waa la isu joogaa Soomaaliyeey.
warkaan waxaa qoray
Golaha Aqoonyahanada Mudulood.
waxaana inta idinkaaga soo gudbisay
Rahmo Sheeq
Qoralka Bulshada
22/nov/1963 ayaa la dilay madaxwenihii 35aad John F. Kannedy isbuuc ka dib waxaa la dilay dilaagii madaxweynaha dilay.
Dilaagana waxaa dilay nin kale isigina waxaa bil kadib uu ku dhintay xabsigii una dhintay xanuun aan la sheegin. Madaxwenihii badalay Mr Kannedy ayaa guddi baaris ah u saaray waxaana la sheegay in cidwalba oo wax ka ogeed dilkaas ama marqaatiyaakii loo dilay siyaabo kala duwan. Ulajeedaduna waxay aheyd in aan la helin raadka (FALKII) dilka.
waxaana inta idinkaaga soo gudbisay
Rahmo Sheeq
Qoralka Bulshada
Xalada guud ee maanta Hiir/Shabelle Somalia
Xalada nabadgalyada Gobolka Hiir-Shabelle ee Somaliya
Waxaa la sheegay iney ka diiwaan gashan yihiin 800 oo ciidan kaliya halka gobolada kale ay ka diiwaan gashan yihiin, Puntland 4500 00 ah ciidan oo tababar fiican heesta iyo 3000 oo sicurity force ah oo iyaguna ay USA u tababareen.
Jubaland 3000 militeri ah.
koonfurgalbeed 2500 melitari ah
Dowlada Moqdisho 15000 oo ay tababareen Emarat, Qadar,USA iyo Turki.
15000 kun oo ciidan oo xarumahooda weli ku jira ayaa maalin walba qarax lagu fuliyaa magaalada muqdisho saakay 29/1/22 wuxuu qarax ka dhacay xaafada kaaraan oo dad aan waxba galabsan ku dhaawacmeen dhimashada weli ma maqlin ilaahay ha u booga dhayo.
Waxaa is weydiin mudan maxaa Hiir/shabeele u diidan iney sameysato ciidan ay iyada leedahay?
Aqoon yahan u dhashay gobolka oo ii waramay wuxuu kusoo gaabsaday in ayna dowlada xamar rabin in loo sameeyo ciidan tayo leh oo u gaara ayna wax walbo oo awoodeeda ah uga hortaagan tahay ciidan u sameynta gobolka Hiir/shabeele.
Waxaase kale oo aan la sii yaabanahay iney kasoo jeedaan madaxdii hore ee federalka intoda ugu badan Gobolka H/sh iyagoo isla markaasna raadinaayo iney isku soo sharaxaan xilka madaxweynanimada.
Waxaa jiro xaalado u baahan in loo fidiyo gargaar deg deg ah sida Ceelal degmoojin badan aan hada ka xasuusto Cadalle iyo Mahadaay.
Waxaa kaloo jiro sida ley sheegay ineysan jirin wax xarumo caafimaad oo tayo leh hooyada uurka leh iyo bukaankana moqdisho la keeno si wax loogu qabto.
Xogtaan waxaan ka helay Aqon yahan ka soo Jeedo gobolkaan ay nasiibdarada heysato iyo sida uu u leeyahay ila dhaqaaleed oo Soomaaliya dhan kaabi karo.
malaga yaabaa dadka gobolkaan u dhashay oo magac iyo maamuusba leh sababta loo beegsado iney la xiriirto maqaamka gobolada Hiir-Shabelle iyo Moqdisho Si ayna u helin daganaasho iyo horumarba oo weliba ay gacanta ku heyso dowlad aan ka talin karin gobalada aan kor kusoo xusnay.
Maxayse kula tahay adiga in wadankii oo burburay loo doorto madaxweyne ay siyaasadiisu ku saleysaneyd diktator ship asalkeedaba oon og nahay inuu laso jaanqaaday kaligii taliyihii sababay burburka maanta saameeyey Soomaliya oo dhan.
waxaana inta idinkaaga soo gudbisay
Rahmo Sheeq